User:Maxedlucky
Dalka soomaaliya oo ku jirey mudo 16 sano ah dagaal sukeeye Dagaalkaas oo u geystey dhaawac aad u weyn haday tahay mid Dhaqaale, tacliin, nabadgelyo iyo horumar guud iyo gaarba, Sanadadaas oo lagu tilmaamo ama ah taariikh madow iyo musiibo ku habsatay umada soomaaliyeed.
Dhawr jeer oo laysku deyey in la sameeyo dawlad ku meelgaadha ayaa intuba dhicisoobeen oo shaqayn waayeen, sababaha oo isu wada ekaa ayaa dawlad kasta si gooni ah loo cambaaraynayey wax qabadkeedana la dhaliilayey.
Taasoo marwalba dhalinaysey inaysan dawladu ugudan xilkeedii si buuxda lagana sugin waxay qabandoonto xumaan iyo samaanba. Qabqablayaasha dagaalka oo mid waliba si gooni ah ugu jirey heegan kuna dadaalayey hogaaminta dalka isagoo og mid waliba inuusan keli ahayn oo damaca lala wadaago ayay hadana ka qaybgelayeen shirarka dibuheshiisiinta soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badan ama dhamantood xalka soobixin.
Aragtidooda kursigoo qaybsami waayey awgeed. Marka la is weydiiyo sababaha dalka soomaaliya u degi la`a yahay ama dawladkasta u fashilanto ayaa lagu eedeeyaa inuu ka yimi qaqablayaasha dagaal iyo xubnaha ka tirsan dawlada cusub, iyadoo ay qabqablayaasha dagaal ka mid yihiin marmarka qaarkood.
Runtii aniga oo aaminsan sababaha ay u degi la`yihiin xaaladaha soomaaliya inay tahay sidan. Qabqablayaasha dagaalka iyo siyaasiyiinta oo dhibta soomaaliya qayb ka qaatay ayaan u arkaa in ay masuuliyada dhibta ay iska leeyihiin shacabka soomaaliyeed.
Waxaa laga yaabaa inaan dadka intiisa badan shacabka dembi saarin, ama aad hada isweydiiso sidee shacabka soomaaliyeed uga yahay masuul xaaladahan cakiran iyo dhibaatadan aan dhamaadka lahayn, dadka intooda badana ay saaraan masuuliyada qabqablayaasha dagaalka iyo hogaamiyayaasha danaystayaasha ah.
Hadaba waxaan shacabka u saaray sababta waxay tahay anoo adeegsada inta badan odhaahdan “SOOMAALIYA HAGAAGI MAYSO ILAA AY HAGAAGAAN SHACABKA SOOMAALIYEED” su`aashu marka waxay tahay waayo ama sidee?
Waxaynu wada garan karaa sida caadiga ah in dawladu tahay maamul, maamulkaas oo ay fulinayaan shakhsiyaad ka soo dhex baxay shacabka soomaaliyeed. aminsan wax shacabku aminsanyahay una dhaqma sidooda.
Dawladu waxay bar tilmaameed u tahay shacabkeeda, anigoon ilowsanayn inuu xumaankaro maamulkaasi, Shacabka soomaaliyeed oo caado ka dhigtay inay taageeraan garabna siiyaan qof aan ulajeedadiisu ahayn in uu u adeego qaran aragti siyaasadeed oo dhaafsiisan qabiil iyo kusri aan lahayn.
Umada soomaaliyeed oo ku soo gubatey qabiil ayaa hadana u aragtaa xal inay qabiil wax ku qaybsadaan arimaha qarankana ay saldhig uga dhigaan qabiil.
Taasoo ka saartay meesha in qofka qabanaya xil qaran uu ahaado qof tacliinleh, dembi ka gelin shacabka, khayaano dhul lagu hayn intaas oo ah asaaska, ay noqotey in lagu siiyo xilka in qabiil keenay ama uu ka socodo qabiil, tusaale yar ayaan kugu siinayaa BARLAMAANKA SOOMAALIYA oo qabiil lagu qaybsaday iyo jagooyin badan oo kale, marka ma la oran karaa baarlamaankaas iyo masuuliintaasi waxay u adeegayaan qaran iyo dhul?
Siyaasadii soomaalida oo noqotay qabiil waxay lumisay qaranimadii iyo wadaninimadii Khilaafka qabiil oon dhamaan ayaa si toosa u carqaladeeya barlamaanka dhalisana in aan khilaaf ka dhamaan isla markaana gaadha heer lagu kala koco, taasina ay horseedo in dawladu isku dhacdo isla markaana saamayn ku yeelato ciidamada qaranka oo qabiilku awood u leeyahay in uu kala bixi karo wiilashiisa xiligii lagu heshiin waayo danaha qabiilka.
Intaas tusaale oon soo koobay waxay tilmaamaysaa inta xaalka shacabka soomaaliyeed saa yahay in aanay dawlad hirgelayn dhibaatona dhamaanayn waayo waxa laysku hayaa waa qabiil waxa dawlada lagu dhisayaana waa qabiil waxa lagu kala tegayaana waa qabiil.
Xalku wuxuu ku jiraa shacbka soomaaliyeed oo ka xorooba qabiil is baraarujiya oo qabiil ka hormarsha qaranimo isna saxa oo iska soo doorta kooda wanaagsan oo leh diin, dhaqan fiican, tacliin sare, qaranimo oo wadaninimona ku jirto.
Maalinta shacabka soomaaliyeed kooda xuna iska qabto ka joojiyo taageerada indhaha la`a diido oo soo saaro kooda wanaagsan waxaan hubaa illahay idankii inay soomaaliya saan jecelahay noqonayso.
Email : [email protected] - [5/19/2007]
Ka dhiibo Fekerkaaga halkan
Title : Email :
Your Opinion :
Fadlan haddii uu jiro sawir
noogu soo hagaaji emailkan
Content Disclaimer
Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.
- The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
- There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
- It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
- Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
- Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.