User:Ismail mire

madax gasi Jambaluul

BEESHA JAMBALUUL

Abtirsiin ahaan waxey katirsantahay Afarta wiil ee uu dhalay SHEIKH MAXAMED RAXWEYN oo kala ah 1. Mirifle 2. Caleemo oo loola jeedo Erdho iyo Hifmuge oo loo yaqaan laba kasaanle 3. Jambaluul 4. Bogadi (afareey mini raxweyn) afartoodane waa Digil xitaa Mirifle. Ayadoo aan tixraaceyno qaabka qabaa,ilada soomaaliya ey wax uqeybsadaan Jambaluul waxa eey ka tirsantahay Beelweynta hada loo yaqaano DIGIL IYO MIRIFLE waana DIGIL waxa eeyna kamid tahay beelaha 5ta caleemood oo kala ah 1 / Barbaare 2 / Jmbaluul 3 / Erdho 4 / Hiifmuge 5 / Huweer Waxeyna can kuyihiin Deegaanka Degmada Wanlaweyn waxey kaloo degaan Gobolo iyo Degmooyin oo kuxusi doonno qodobka deegaanka beesha.

JAMBALUUL WAXEY UKALA BAXAAN


Heyloole

Halaawe

Halgaab

Heer Yaago

Daamaale

Waafle


DEEGAANADA BEESHA EY DEGTO

Beeshu waxa eey degtaa 1) Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan degmooyinka kala ah, b) W/Weyn, t) Afgoye, j) Awdheegle, x) Qoryooleey, kh) Marka, d)kurtun-waareey. 2) Gobolka Gedo, Gaar ahaan Degmada Baardheere oo waliba Qofka Aas aasay uu yahay Sheikh Jambaluul ah kaas oo lagu magacaabo Shiekh Ibrahim Xassan Yabaroow 3) Gobolka Baay, Gaar ahaan Degmooyinka, b) Baydhabo, t) Buur hakaba 4) Gobolka Jubada dhexe, Gaar ahaan Degmada Jilib. 5) Gobolka Jubada Hoose, Gaar ahaan Degmooyinka b) kismaayo, t) Jamaame. 6) Gobolka Banaadir dhamaan degmooyinka eey kakoobantahay weey degtaa Beesha. 7) Gobolka Sh/Dhexe Degmooyinka Balcad iyo Jowhar

AHDAAFTA BEESHA ( OBJECTIVES) 1. Uruurinta Isukeenida iyo mideynta beesha meelkasto oo ey ugu noolyihiin dunida dacaladeeda. 2. In la,abuuro qaabka eey iskugu gargaari lahaayeen oo isaga caawin lahaayeeen dhibaatooyinka soo wajaha sida Abaaraha Fathaadaha Cudurada iyo dhibaatoyinkale oo dhicikaro ama imaankaro, ayadoo loo abuurayo gudi howlaha maareeyo lana abuurayo Sanduuq dhaqaale. 3. In beesha loo sameeyo wacyigin ku aadan sida danaheeda u hormarin laheed si isku duubni kudhisan iyo wada tashi iayadoo hormarka laga eegayo dhinaca dhaqaalaha, hormarinta wax soo saarka beeraha xoolaha daryeelka caafimaadka ayadoo labuurayo koox dhaqaatiir ah, kalkaaliayaal caafimaad iyo Rugo caafimaad hormarinta dhinaca waxbarashada iyadoo lafurayo dugsiyo loona raacinayo ardayda dugsiyada sare dhameysatay ee aan aboodin iney iska bixiyaan jaamacada in lataakuleeyo. 4. Raadinta xuquuq walbo oo eey beesha leedahay ayadoo loomarayo dhinaca sharciga. 5. Furid mashaariic hormarineed iyo kuwa samafal oo lagu hormarinayo danaha beesha iyo ologa ama oodwadaaga la ah.

WAAJIBAADKA GUDUUMIYAHA 1. Waxuu xaddidayaa waqtiyada fadhiga gudiga si eey ugutaan waajibaadka iyaga saran si hufan 2. Waxuu magacaabayaa hawlaha xubanha gudigiisa 3. Waxuu u howlgalayaa sidii loo fulinlahaa ahdaafta beesha ey laheyd sidii howl loogu badalilahaa loona fulinlahaa. 4. Waxuu dejinayaa istaraatiijiyada howlaha maamulka samafalka, hormarinta , mashaariicda dhaqaalaah IWM. 5. Waxuu shir gudoominayaa shirarka gudiga. 6. Abuurida illo dhaqaalo iyo dejin miizaaniyada eey ubaahantahay gudashada waajibaadka. 7. Usoo bandhigida gudiga iyo ka ansixinta dhamaan mashaariicda lagu hormarinaayo beesha.- 8. Abuurid dhaqan midnimo, iskuduubni, kala dambeyn, iyo is ixtiraam beesha dhexdeeda. 9. Howlgalinta hogaamiyayaasha dhaqanka ee ay beesha leedahay ama yeelankarto si waajibaadkooda dhan ey ugutaan wixii howlo ah ee ku aadan qawaa,ilaadka kale. 10. Isku xerka qeybaha bulshada ey beeshu kakoobantahay sida Aqoonyahanada, Culumada, Dhaqanka, Waxgaradka, Dhalanyarada, Haweenka IWM.

Content Disclaimer

Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.

  1. The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
  2. There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
  3. It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
  4. Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
  5. Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.