User:Saahilphd
Hadhwanaag waxaa maanta ka Codeeyey Siyaasiga da'da yar Maxamed Xasan Dirir oo ah Xoghayaha Maamulka & Qorshaynta ee UCID “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta ka codeeyo dalkaygii oo nabad ah doorasho xor iyo xalaal ahna galaya,” Xoghayaha Maamulka iyo Qorshaynta ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID
Hargeisa, (sli) - Maanta oo ay taarikhdu ahayd 26 june oo ku beegan sanad guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii somaliland ka qaadatay xornimadeeda gumaystihii ingiriiska, ayaa waxaa ku beegantay munaasibad kale oo qiime wayn ugu fadhida ummada reer somaliland,
Munaasibadan qaaliga ah ayaa shacab waynaha somaliland waxay u dareereen codbixinta doorashadii labaad ee dalka si dimuqraadi ah uga dhacda taas oo ay ku tartamayaan sadex musharax oo ka kala socda sadex xisbi qaran waa Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye Maxamed Xasan DirirIyo madaxwayahaya somaliland isla markaana ah musharaxa xisbiga muxaafidka ah ee UDUB ayaa waxay saaka codkooda ka dhiibteen aqalka shaqaalaha magaalada Hargaysa taas oo tusaale qiimo badan u noqota muwaadiniinta codaysa iyo dhiirigalinba,
codaytaas oo micnaha ugu wayn ee ku jiraa yahay dhiirigalinta dadwaynaha gaar ahaan iyadoo musharax walba ay eeganayaan taageerayaashiisu.
Sidoo kale waxaa isna goobta Hadhwanaag ka codeeyey siyaasiga da'da yar ee Maxamed Xasan Dirir oo ah Xoghayaha Maamulka iyo Qorshaynta ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID isagoo ugu talogalay inuu ku dhiirigaliyo dhalinyarada guud ahaan iyo kuwa hamiga siyaasiga ah leh isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta ka codeeyo dalkaygii oo nabad ah doorasho xor iyo xalaal ahna galaya, ilaahay waxaan ummadayda uga baryayaa inuu soo saaro kii u khayr roon isagaa oge, waxaan jeclahay inaan dhaliyarada tusaale u noqdo, goobtan aan maanta ka codaynayana aan uga jeediyo dardaaran kooban, waxaanan leeyahay .”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxaa lasoo gaadhay wakhtigii aynu dalkan iyo dadkan u talinlahayn ee aynu odayaasha la wadaagi lahayn xukunka iyo aaya ka tashiga ummada somaliland guud ahaan, waxaan runtii ku qanacsanahay inaanu guulo waawayn kasoo hoynay dhinaca saaxada siyaasada, halkaasna waanu kasii wadi inshalaah inaanu dhalinyaro ahaan tartan la galno bahda waawayn ee xukunkii iyo taladii ummada isku koobtay, waxaan qabaa hadaanu nahay dhalinyarada inaanu ka awood badanahay odayaasha kana daacadsanahay, waxaan leeyahay dhainyarada somaliland fadhiga ka kaca dhamaantiin oo u guntada inaynu xaqeena dhacsano, kuna dhacsano kacdoon dhalinyaro (YOUTH REVOLUTION).
Mar aanu wax ka waydiinay inuu faahfaahin naga siiyo cida uu u codeeyey wuxuu yidhI “runtii waxaan ka tirsanahay xisbi balse xisbigayga oo kaliyaata umaan codayn ee waxaan u codeeyey shareecada islaamka oo uu ku dhawaaqay xisbigayga ucid, waxaanan ku rajo waynahay guul taam ah inuu ilaahay na siiyo maadaama aanu shareecada iyo daacadnimo isku darsanay.”
Content Disclaimer
Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.
- The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
- There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
- It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
- Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
- Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.