User:Ninwaalan
1. “Dunida waad ka guuraysaan, waxaadna u guuraysaan xagga daar weligeed jiraysa; haddaba ka guura idinkoo wata camal khayr badan; waxaa na loo sheegay in dhagax lagu tuuray salka jahannama uu sii socon doono toddobaatan sano isagoon weli salkeeda gaadhin; wallaahay in la buuxin doono ma la yaabteen? Wallaahay waxaa na loo sheegay in jannada labadeeda albaab (irridood) loo socdo afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi la buuxsanto”. Waxaa weriyey Imaam Axmed. 2. “Anigu kuma hadlo waxaan xaq ahayn”. Allaheenna wuxuu yidh: “Wixii rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana, waa inay ka reebanaadaan (ka hadhaan)”. (akhriso aayadda # 7 ee ku jirta suurat al-Xashr). 3. “Ruuxa Muslimka ah waa ka xaaraan Muslim kale xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiigiisa, waxaa shar ugu filan qof inuu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah”. (Waxaa weriyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi). 4. “Ma jiro dulmi iyo qaraabe gooys uga dhaw in Alle ciqaabta ifka uguso dadajiyo iyadoo tii aakhirona u dheertahay”. (Waxaa weriyey Imaam Axmed bin Xanbal). 5. “Dulmiga iska jira waa mugdiga yawmal qiyaamaha, bakhaylnimadana iska jira iyadaa halaagtay kuwii idinka horeeyey”. (Waxaa weriyey Muslim). 6. “ Xoolahayga” xoolahaaga waxa keliya aad ku leedahay waa waxaad cunto oo aad dhammaysato iyo waxaad xidhato (gashato) oo duug noqda iyo waxaad sadaqaysato oo hormarsato. Wixii intaas ka soo hadhay waad ka tegi oo u dhaafi dad kale”. (Waxaa weriyey Muslim iyo imaam Axmed). 7. “iimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Alle kula joogo si kasta aad ku sugantahay”. 8. “Mu’miniintu saddex bay wadaagaan: “Dabka, daaqa iyo biyaha”. (Waxaa weriyey Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud). 9. “Ibna aadanku hadduu dhinto wuu go’aa camalkiisu saddex mooyee “cilmi lagu intifaaco, ilmo fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota ama jaari ah”. (Waxaa weriyey Muslim). 10. “Ruuxii akhrista suuraddaYaasiin habeenkii Alle dartiis waa loo dambi dhaafaa”. Wuxuu kale rasuulku (scw) yidhi “waxaan jeclaan lahaa inay ku jirto qalbiga ruux kasta oo ka tirsan ummadayda”. (Waxaa weriyey Ibnu Xayaan). 11. “Dambiyada kabaairka ah ama dambiyada waa wayn waxaa ka mid : gaalnimo, qof muslim ah oo xaq darro lagu dilo, ka cararka jihadka, waalidka oo la caasiyo, qof haween ah oo dhawrsoon oo lagu sheego dhillo, barashada iyo ku shaqaysiga sixirka ama falka, cunidda ribada, cunidda xoolaha agoonta si xaq darro ah, sinada, dhaarta beenta ah iyo marag furka beenta ah”. 12. “Waxaa idiinku khayr badan kiina cumrigiiso dheeraado, camalkiisuna fiicnaado”. 13. “Faqrigu wuxuu u dhow yahay kufrinimo ama gaalnimo”. 14. “Geelo waa cisisi iyo sharaf, adhiguna waa barako”. 15. “Su’aashu waa cilmiga badhkiis”. 16. “Fadliga cilmigu wuu ka khayr badan yahay fadliga camalka”. 17. “Cilmiga waxaa ugu fadli badan kiisa daaimka ah (joogto) haba yaraadee”. 18. Haweeynay madaw oo wax dhasha ayaa ka khayr badan qurux badan ma dhasho ah”. 19. “Haweenka waxaa ugu khayr badan tan wax dhasha ee dabeecadda wacan ee qalbi fiican ama qalbi nugul...................
Content Disclaimer
Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.
- The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
- There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
- It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
- Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
- Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.