User:Caabbi

Mohamed Hassan Abby Abdille. Mohamed Hassan Abby waxa uu ku dhashay hawdka gobolka togdheer, gaar ahaan inta u dhaxaysa burco iyo degmada dhoqoshey dabayaaqadii 1985. Xilligaa waxa lagu jirey dagaaladii looga soo horjeedey xukuumaddii milatariga ahayd, dalkuna waxa uu kujirey xaalad qalalaase ah oo magaalooyinka laga qaxayey. Xilligaa waxa uu maxamed lanoolaa reer aptigii iyo hooyadii, markii 1991 dii dalka dawladdii siyaad barre laga xoreeyey waxa uu maxamed iyo.qoyskiisu dageen magaalada shanshacade halkaas oo uu milcaamad quraanka kabilaabay. 1994 ayaa uu usoo waregey magaalada burco oo markaa laga qaxayey, isagoona yuroowe kasii watey waxbarashadiisii. Muddo kadib ayuu hadana dib ugu laabtey isla deegaankiisii hore halkaas oo uu dugsiga dhexe kagasoo baxay. 2007 ayuu dalka kenya waxbarasho u aadey, isagoo halkaasna kasameeyey dedaal dheer iyo halgan uu muddo laba sano ah dugsi sare oo si gaar ah looleeyahay laga qaatey shahaadada dugsiga sare.arinkaa waxa barbar socdey inuu collegge waxbarashada macalkin nimada ah oo luuqadda ingiriisida ah iyana barbar wadey. Mudadaas waxa kale oo uu diblomooyin kaqaatey cilmiga combuyuutarka iyo saxaafadda. 2010 kii ayuu dalka dib ugusoo laabtey isagoo xilligaa qayb ka ahaa doorashooyinkii dalka ka dhacayey. Muddo yar kadib waxa macalinimo looga qaatey dugsiga hoose dhexe iyo sare ee smart schools, isagoo maadada ingiiisa macalinka 1aad uga ahaa, xilligaa waxa kale oo ka hawl galayey xafiiska imtixaanaadka ee isla dugsigaas. Sannad kadib waxa uu usoo wareegey dugsiga sare ee sh ibrahim. secondary school burco isagoo ahaa macalinka 1aad ee ingiriisida fasalada 3 iyo 4aad.sidoo kale waxa uu ahaa maamule kuxigeenka dugsiga. Sanandkii 2012 waxa uu kamid noqdey aasaasayaashii jaamacad gaar loo leeyahay oo la odhan jirey Addis University College,isla sannadkii 2012ka waxa uu kamid noqdey macalimiinta wax ka saxa imitixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4aad, isagoona markii dambe kamid noqdey supervisorada qaada imtixaankaas kuwooda ugu firfircoon. Mudo kooban kadib waxa uu kamid noqdey macalimiinta jaamacadii Addis university iyo Gollis university, sannadkii 2014 waxa uu tababar aqoon korodhsi kahelay jaamacadda University of Burao.halkaas oo uu ina dhameeyey mudadeedii. Dhamaadkii 2016 waxa uu kamid noqdey 7 qof oo loo qaatey tayeynta shaqaalaha dawladda somaliland, kuwaas oo mashruuc wolrd bank ku bixiyey ku yimid. 2018 bishii 7aad waxa loo magacaabey agaasimaha qorshaynta iyo tababarada. Hadana waxa uu ka shaqeeyaa wasaarradda arimaha dibadda, isagoona shahaada labaad ku diyaariya diplomacy and foreign policy.

Content Disclaimer

Informasi ini disarikan dari Wikipedia dan disajikan kembali untuk tujuan edukasi. Konten tersedia di bawah lisensi CC BY-SA 3.0. Kami tidak bertanggung jawab atas ketidakakuratan data yang bersumber dari kontribusi publik tersebut.

  1. The information displayed on this website is sourced in part or in whole from Wikipedia and has been adapted for the purpose of restating it. We strive to provide accurate and relevant information, however:
  2. There is no guarantee of absolute accuracy. Wikipedia is an open, collaborative project that can be edited by anyone, so information is subject to change.
  3. It is not intended to constitute professional advice. The content displayed is for informational and educational purposes only. For important decisions (e.g., medical, legal, or financial), please consult a professional.
  4. Content copyright. Wikipedia is licensed under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License (CC BY-SA). This means that content may be reused with appropriate attribution and shared under a similar license.
  5. Responsible use. Any risk arising from the use of information from this website is entirely the responsibility of the user.